|
Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariistee cabdalla Nuuradiin oo si wayn loga yaqaano Dalka Somaliya iyo Dibadaba waxa uu cabdalla nuuradiin baryahan dambe ku xanuun sanayey magaalada Muqdisho asagoo xanuunkii hayey ugu geeriyooday.
Cabdalla Nuuradiin waxaa uu ka mid ahaa wariyeyaashii ugu horeyey ee somaliya asagoo kasoo shaqeeyey wasaaradii warfaafinta idaacadii Radio Muqdisho xiliyadii barisamaadka iyo Tvgii cusbaa ee Dowlada Somaliya, waxaa kaloo uu ka mid ahaa mu,alifiinta somaliyeed asagoo waliba ka qayb qaadan jiray barnamijada maadeyska iyo madadaalada riwaayado badana wax ka dhigay.
Waxaa ay warbaahinta Ambaqaad.com tacsi tiiiraanyo leh u dirayaan marxuum cabdalla Nuuradiin eheladiisa iyo qaraabadii u ifka kaga tagayna waxaan leenahay samir iyo imaan ilaahay ha ka siiyo isagana naxariistii jano allaha ha ka waraabiyo amiin amaain aamiin.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
10 |