|
|
Mas,uuliyiinta Maxkamadaha oo Ka Hadlay kala Qaybsanaanta Ururka Dib U Xoraynta Somaliya |
Ambaqaad-Afhayeenka Midowga maxkamadaha ee dhinaca hawl gallada C/raxiin Ciise Caddow ayaa waxa uu walaac ka muujiyay khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee isbahaysiga dib-u-xoreynta oo hadda yeeshay labo guddoomiye oo kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.
C/raxiin Ciise Caddow wuxuu ugu baaqay madaxda isbahaysiga dib-u-xoreynta inay xaliyaan khilaafaadkooda, isagoo sheegay in xilligan aan loo baahnayn khilaaf iyo kala qeybsanaan soo kala dhex madaxda isbahaysiga taasoo sida uu sheegay laga yaabo inay dhabar jab ku noqoto halganka loogu jiro xoreynta dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Macallin Xaashi Max’ed Faarax oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Mucaaradka ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa si wayn u taageeray xil ka qaadita lagu sameeyay guddoomiyihii isbahaya isbahaysiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha golaha dhexe Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu ku eedeeyay inay ka leexdeen hanaankii isbahaysiga.
Wuxuu sheegay inuu ugu hambalyeynayo Sheekh Xasan Daahir Aweys xilka guddoomiyanimo ee loo magacaabay, isagoo ku tilmaamay Sheekh Xasan Daahir inuu yahay ruug caddaa muddo dheer ku soo dhex jiray halganka islaamiga ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay labada shariif inay u jaleecdeen dhinaca reer galbeedka isla markaana ay ka tanaa,suleen mabaadii’da islaamiga ah ee ku salleysan jihaadka la iclaamiyay.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
11 |