|
|
Ciidamada Itoobiya oo Gudaha U Galay Magaalada baledweyne Duqayn Xoogana u Geystay Xaafadaha Magaaladaasi |
Ambaqaad-Ciidamada Itoobiyaanka ahaa ee fariisinka ku lahaa buurta Janta kundishe ee 5 km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne ayaa xalay saqdii dhexe waxay gudaha u soo galeen magaalada Beledweyne, waxayna isku fidiyeen qaybo ka mid ah magaalada iyagoo xarumo ka dhigtay Saldhigga booliska, xarunta maamulka gobolka iyo buundooyinka isku xira xaafadaha magaalada Beledweyne.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah markii ay xalay gaareen buundada Liiq-liiqato waxay ay halkaasi is rasaasayn xooggan ku dhex martay xoogagga ka soo horjeeda ee ku sugan magaalada Beledweyne, rasaasta oo socotay qaddar daqiiqado ah ayaanan ilaa iyo hadda la xaqiijin karin qasaaraha ay gaysteen.
Rasaasa markii ay waxoogaa istaagtay kaddib ayaa waxaa bilaabatay duqeyn xooggan oo ciidamada Itoobiya la beegsadeen qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne, waxaana lagu soo warramayaa in ilaa 7 madfac oo laga soo tuuray dhanka Buurta Janta kundishe ay ku dhaceen xaafadda Hawl wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in la arkay ilaa afar qof oo mayd ah oo qaarkood ay ahaayeen dad xoolaley ah oo ku dheelmanayay suuqa Xoolaha ee magaalada Beledweyne si ay xoolo ay wateen ay halkaasi uga soo iibsadaan.
Madaafiicdaasi ayaa waxay burbur xooggan u geysteen qaar ka mid ah guryaha ku yaalla xaafadda Hawl wadaag ee magaalada Beledweyne inkastoo qasaaraha ay gaysteen aan la xaqiijin karin maadaama goobihii madaafiicda ay ku dhaceen ay haatan isku fidiyeen ciidamada Itoobiya, waxaana wararku sheegayaan in dhaawac iyo maydad dad rayid ah yaallaan buundada Liiq-liiqato halkaasi oo ay ku sugan ciidamada Itoobiya.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
12 |