Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Dowlada Fedraalka oo Sheegtay Inay Baarayaan Markab Sida Raashin La Sheegay inuu Dhacay oo Ku Soo Xirtay Dekada Muqdisho

Ambaqaad-Wasiirka Gaadiidka cirka, dhulka, badda iyo dekedaha dawladda federalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay joojisay dejinta raashin la sheegay inuu dhacay oo uu siday markab ku xiran dekedda magaalada Muqdisho.

Xaabsade wuxuu sheegay in warka markabkaasi uu dekeda magaalada Muqdisho soo gaaray 15 maalin ka hor, balse ay isku dayeen inay ka war sugaan oo ay ka cabsi qabeen in haddii amar ay bixiyaan in raashinkaasi oo ku soo jeeday dekedda magaalada Muqdisho laga weeciyo oo dekedo kale laga soo dejiyo isla markaana si dadban uu ku soo galo suuqyada.

Wasiirka Gaadiidka cirka, dhulka, badda iyo dekedaha wuxuu sidoo kale in markii uu dekedda magaalada Muqdisho ku soo xirtay markabkan siday raashinka dhacay inay amreen in la dejiyo, wuxuuna sheegay in wasaaraddiisu ay soo jeedisay in raashinka markabka laga dejiyo kaddibna quburro dhakhaatiir ah oo ka socda wasaaradda caafimaadka loo saaro kuwaasoo baaritaan ku sameeya si loo gaado waxyaabaha uu qabo raashinka.

Raashinkan la sheegay inuu dhacay oo uu siday markabka ayaa waxaa la damcay in si dhuumaalaysi looga soo dejiyo markabka oo loo soo daabulo suuqyada magaalada Muqdisho taasi oo ay oggolaadeen qaar ka mid ah hawl wadeenada sar-sare ee dekedda, balse waxaa taasi ka biyo diiday oo joojiyay madax ka tirsan dawladda federalka Soomaaliya gaar ahaan wasiirka gaadiidka cirka, dhulka, badda iyo dekedaha.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

13