Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Kal Fadhigii  Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo Looga Hadlay Arimaha Dalka Somaliya

Ambaqaad-Golaha amaanka ee QM ayaa xalay oo dhan lahaa Kulamo looga hadlayey xaaladaha Soomaaliya ,ayagoo kulamadan ay ka soo qeybgaleen Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa soo saaray bayaan ku aadan Waxyaabaha ay ka wada hadleen & Qodobadii ay ku heshiiyeen ,waxa ayna inta badan goluhu isha saareen xaaladaha amaanka & Dibu heshiisiinta ee dalka Soomaaliya ayadoo aysan dawladda Soomaaliya & Mucaaradka fadhiga joogin markii qodobadan laga doodayay.

Golaha amaanka ayaa isku raacay in taageero iskugu jirta Milateri oo ay ku jiraan hub & tababaro ciidamada dawladda Soomaaliya loo fidiyo ,taageero dhaqaale & Siyaasadeedba la gaarsiiyo Maamulka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay in la cambaareeyo cid walboo ka soo horjeeda heshiiskii dhawaan lugu saxiixey Magaalada Jabuuti ,ayadoo gudi madax banaan loo saaray ka baaraan dagida talaabooyin laga qaado Xubnahaasi oo magacyadooda halkaasi laga jeediyey & Ururada ay ka tirsan yihiin.

In Mucaaradka dawladda Soomaaliya ay joojiyaan dagaalada nabada ayna qaataan tub walba oo wax looga qaban karo amaanka Soomaaliya ,ayagoo eegaya Heshiiskii ay QM garwadeenka ka ahayd lana filayo dhawaan in lugu saxiixo Magaalada Maka Al-Mukarama.

Safiirka dawladda Mareykanka uqaabilsan QM ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladda Mareykanku taageero deg deg ah oo dhaqaale & Milateri siin doonto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayadoo uu sheegay in ay goor horeba Washignton taageero Milateri oo tababaro ah siisay ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Safiirkan wuxuu sheegay in ay Washignton dawladda Soomaaliya gacan weyn ka siin doonto xasilinta Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ,ayagoo ku taageeraya dhaqaale & farsamooyinka dhinaca Milateri ,inkastoo hadalkaan siweyn ay saxaafadu ufaaqiday uuna diidey ma,suulkan in uu shaaciyo waxa uu ula jeedo Farsamooyin Milateri.

Ciidamo loo diro dalka Soomaaliya ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ka balameen in layskugu soo laabto Bisha soo socota 25-keeda, waxaana arintaasi loo saaray gudi ka kooban 5 xubnood oo ka baaraan daga soona qeymeeya xaalada Soomaaliya & waxyaabaha ay ciidamadaasi qabanayaan oo ah dhinaca howlgallada.

Qodobadan ay gaareen Golaha Nabadda ee Aduunka ayaa ku soo beegmayah ,xili ay dawladda Soomaaliya isku diyaarineyso helida ciidamo badada kuwa dawladda Itoobiya ,ayadoo markaasi la doonayo in ay ciidamadaasi noqdaan kuwa la shaqeeya dawladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa maanta July,2008 u sheegey kulankii golaha amaanka iskugu yimaadeen ayuu ka sheegey in fursadaha Somalia nabad loogu dabaali karo yihiin kuwa aad u yar balse hadda uu yimid waqtigii go'aanka ugu wanaagsan laga gaari lahaa sidi loo heli lahaa xal ka dambeys ah.

Mr. Ould-Abdallah ayaa sidoo kale golaha amaanka ugu yeeray in tageero xoogan ay siiyaan shirkii dib-u-heshiisiinta Jabuuti lagu sixiixey June kaas oo dhexmarey DFKMG ah iyo mucaaradka Asmara .

"Iyada oo Soamalida dhibaato xoogan ka soo gaartey dagaaladii sokeeye iyo heshiiska Jabuuti  qodobadiisa ka soo baxay waxaa la joogaa waqtigii golaha amaanka talaabo cad oo deg-deg ah ka qaadi lahaa xaalka Somalia " ayuu yiri ergayga oo hadal ka jeedinaya golaha amaanka.

kulankaan oo hadalo ka jeediyeen xoghayaha QM Bank Ki-moon iyo ergeyga QM ayaa waxaa ka soo baxaya warar tibaaxaya in golaha amaanka xoojiyo in ciidamada AMISOM la xoojiyo. 

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

14