Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Kaalmooyin La Gaarsiiyey Bukaanada Jiifa Isbitaalada Waaweyn ee Magaalada Muqdisho

Ambaqaad-Kaalmo Gaareysa 2,571$ oo ay soo direen jaaliyadaha soomaalida ee ku nool dalka Swezerland gaar ahaan magaaladda Zurich ayaa la gaarsiiyey isbitaaladda kala ah Dayniile,keysaneey, iyo waliba isbitaalka madiina.

Isbitaaladaan oo ay jiifaan dad waxyeelo calculus ay ka soo gaareen dagaaladda dalka ka jira, oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa isbitaal kasta waxaa la gaarsiiyey illaa 800$ ah

Deeqdaan loo qeybiyey isbitaalada ayaa waxaa loo soo wakiishay qeybinteeda Ismaaciil Cabdi Nuur waxaana soo gaarsiiyey wakiilka Mustaqbal ee dalka Switzerland Md Cashara Xasan.

Mr Cashara Xasan ayaa  waxaa uu sheegay in lacagtan loo soo direy dadka dhaawaca ah ee ku wax yeeloobay dagaalada waxaana uu ka codsaday in halkooda ay ka wadaan dadaaladda hagar la’aanta ah ee ay ku saacidayaan walaahooda dhibaateysan.

Isbitaaladaan ayaa markii aad gaarto waxaad ku arkeysaa bukaano qaba ama la il daran Dhawacyo  ka soo gaaray  dagaaladii dalka ka dhacay, dadkaas qaar ka mid ah  ayaa  deganaa magaalada muqdisho oo ay sanadihii ugu danbeeyey aafeeyeen dagaalada dhiiga badani ku daatay kuwaas oo kuwaayey qaarkood lixaadkoodii halka kuwo kalana ay ku waayeen xubno ay si aad ah u jecelaayeen,hadana aysan jirin cid u maciimta waxaana jira kuwa ay hayaan isbitaalada  dayniile ,madiina, iyo keysanay oo aananay cidina daba socon sida aan ku arkay mar aan tagay qaar ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho oo ay buux dhafiyeen dhibanayaal ku waxyeeloobay madaafiic sida roobka oo kale ku hoortay guryahoodii kuna burburisay dad iyo deeq wixii dhex ceegaagay.

Isbitaalka keysanay ayaa waxaa jiifay illaa  92  bukaan , Isbitaalka  Madiina  ayaa  isna waxaa jiifay 87 bukaan, halka Isbitaalka  Dayniile ay jiifeen bukaaro gaaraya illaa  65 bukaan kuwaas oo  dhamaantood la ildaranaa intooda badan dhaawacyo ay sababeen xabado,

Isbitaalka Dayniile, bukaanadii jiifay ayaa waxaa ka mid ahaa laba gabdhood oo wada dhashay oo labadoodaba mid kastaa ay hal lug ka go’neyd, kuwaasoo da’doodu ay kala ahayd 13 jir iyo 15 jir, gabdhahaas ayaa sida ay noo sheegtey hooyadeed Faadumo Sheikh Cumar Sheikh C/laahi , gabdhahan   wada dhashay ayaa  lugahooda ay ku waayeen madfac ku soo dhacay gurigooda oo ku yaalay xaafadda Labadhagax, bishii juun 8dii sanadka 2008-ka, waxaana hooyo faadumo  qudheeda halkaas  ka soo gaarey dhaawac.

Hooyo Faadumo oo  dhinac jiifta labadeeda gabdhoow ayadoo firir wali uu ku jiro  ayaa saxaafadda u sheegtey in isbitaalka jiifkiisa,  qaliinkiisa, daawadiida iyo cuntadiisa aan xilligaan  waxba looga qaadan.

Qaar ka mid ah maamulada isbitalada ayaa saxaafada u sheegay in dhibaatada ugu weyn ee hadda taagan ay tahay xagga shiidaalka si daawada tayadeedu u hagaagto ooay u helaan  goob qabow oo la dhigo ama lagu xafido, mana jirto cid ka gacansiisa gudashada howshaas culus oo ay u hayaan shacabka soomaaliyeed.

Maamuladda Isbitaaladda Madiina, keysaneey iyo waliba isbitaalka dayniile ayaa waxaa ay dhamaantood ay ka mahad celiyeen deeqdaas soo gaartey, waxaana ay ku wada tilmaameen mid loo baahna xilligan, waxeeyna  ilaah ay uga wada baryeen in lacagtaas ay soo dhiibeen walaahooda soomaaliyeed uu mid ka badan ilaah ku maneysto, hana siiyo ajir iyo xasanaad aan la soo koobi Karin,

 

Ma aha markii ugu horreysay oo jaaliyadaha soomaaliyeed ay soo gaarsiiyaan walaahooda soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudahiisa. Wana kuwo markastabaa la garabtaagan ineey taakuleeyaan walahooda dalka ku barakacay dalka gudahiisa.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

15