Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Qurbo Jooga Somaliyed oo Ka Walaacsan Xaalada Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Kasii darasa ee Dalkoodii Hooyo

Ambaqaad-Ayadoo ay soconayaan wadahadalo iyo dedaalo lagu doonayo qaboojinta xiisadaha colaadeed ee ka holcaya Somaliya ayaa waxaa dadaweynaha Somaliyed ee qurba jooga ahi qaylo dhaan ka muujinayaan xaaladaha kasii daraya ee dagaalada,afduubyada, dilka, iyo xadakudubyada, sii kordhay ee ka taagan gudaha Somaliya.

Tan iyo Markii ay Ciidamada Itoobiya oo kaashada kuwa Dowlada Federaalku ay gudaha usoo galeen caasimada muqdisho ayaa waxaa marba marka ka dambeeysa sii kordhayey dagaalo iyo weeraro aan kala go,lahayn kuwaas oo si isdaba joog ah uga dhacayey gudaha caasimada iyo gobolada kale ee dalkaba, dagaaladaas ayaa sababay khasaare isugu jira barakac, dhimasho, dhaawac, iyo bur bur baahsan oo soo gaaray shacabka ku dhaqan caasimada iyo waliba gobolada koonfureed ee Somaliya , islamarkaasina ah kuwo sii kordhaya taas oo dadka somaliyeed ee qurbaha ku nooli ay ka walaacasanyihiin xiligan dhibaatooyinka faraha ka baxay ee ka taagan gudaha Somaliya.

Inta badan arrimaha ay somalidu sida aadka ah u samaayey ayaa ah tan qaxootiga guryahoodii kasoo barakacay ee daadsan duleedyada magaalooyinka iyo gobolada Dalka, qaylo dhaanta kasooo yeeraysa eheladooda ku sugan xeryaha qaxootiga iyo kuwa kale ee maalin walba TVyada caalamka laga soo saaro macaluusha iyo gaajadana la ildaran oo qaarkoodna ay maqaarka xooluhu cunto noqotay ayaa ah mida saamaysay nolosha dad badan oo qurba jooga somlayeed ee dibadaha ku dhaqan.

Xaalada ay ku suganyihiin dadka somaaliyed ee qaxootiga ah waa mid aan qof looga sheekayn karin in aad indhihiina ku aragtaan ma,ahee ayuu hadalkiisa ku yiri mid ka mid ah hawl wadeenada hay,addaha samafalka ee ka ka shaqeeya gudaha somaliya oo u waramayey warbaahinta Ambaqaad.com , si kastaba ha ahaatee dhibaatoyinka  lasoo dersay shacabka Somaliyed ayaa ah mid laga murugoodo oo aan la dhayalsan karin. 

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

16