|
|
Ciidamo Hor leh oo Gudaha U Soo galay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiiraan |
Ambaqaad-Ciidamo Itoobiyaan ah oo farabadan ayaa saaka gudaha u soo galay Magaalada baledweyne oo ay hore ugu sugnaayeen Ciidamadii ka soo kicitimayn dhanka Jend Kundishe ee fariisinka ay ka samaysteen.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa dagaal xoogan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ku dhex maray xaafaadaha hawl wadaag iyo buundo weyn ee magaaladaasi baledweyne.
Xaafadda Howl wadaag oo dagaalkii shalay xoogiisu ka dhacay ayaa la sheegay dadku in ay si weyn u faaruqiyeen iyagoo ka baqanaya in ay saameyn ku yeeshaan dagaalada soo noq noqday ee ka soconaya degaanadaasi.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
17 |