-Xogayaha arimaha gudaha ee isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ciidamada Ethiopia in ay khiyaaneyn Odayaasha dhaqanka ee Gobollka Hiiraan isagoo sheegay in Ciidamada Ethiopia ay kula dagaalami doonaan gudaha magaalada B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Cumar Xaashi Aadan oo u waramayay isagoo ku sugan gudaha magaalada b/weyn ayaa waxa uu sheegay in iyagu ay magaalada uga baxeen dalab kaga yimid Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan sibuu yiri loo bad baadiyo dad Soomaaliyeed ee dhibaateysan oo xiligaan ay haleeleen dhibaatooyin ay ka mid yihiin dagaalo iyo sidoo kale Sicir bararka hareeyay dadka Soomaaliyeed.
Xogayaha arimaha gudaha ee Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa kaloo uu tilmaamy in Ciidamaa Ethiopia ay yihiin khiaanoolayaal caalami ah islamarkaana ay ku caambaxeen dhibaatada dadka rayidka ah,waxaana uu sheegay in dadka ay horay u badbaadinayeen dadka hasa ahaatee ay meesha ka baxday oo ay ka go”antahay in ay dagaalo la galaan ciidamada Ethiopia.
Hadalka ka soo baxay xogayaha arimaha gudaha ee isabaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ayaa waxa uu kus oo beegmayaa xili xaalada magaalada B/weyn ay tahay mid Cakiran islamarkaana ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo milatari.