|
|
Dagaal Culus oo Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Isbahaysiga Ku Dhex Maraya Magaalada Baledweyne |
Ambaqaad-Dagaal Culus ayaa goor dhaw waxa uu ka bilaawday gudaha magaalada B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, dagalkaas oo la isu adegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Ethiopia iyo xoogaga Mucaaradka ee Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya iyo Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Magaalada B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wali lama oga khasaraaha soo gaaray rasmiga ah ee ka dhashay dgaalka soconaya iyo dhinacayda ku dagaalamaya gudaha magaalada B/weyn, ayadoo dhawaaqa rasaata iyo madaafiicda la isu adeegsanayo laga maqlayo degaamada ku hareereysan baledweyne..
Wararka laga helayo Magalada B/weyn ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii deganaa magaalada ay inta badan ay isaga baxeen magaalada si ay uga baxsadaan duqaynta madaafiicda la is weydaarsanyo iyo dagaalada ka soconaya gudaha Magaaladaasi.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
19 |