|
Ambaqaad-Saacadihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa sii kordhayay is casilaadda ay samaynayaan xubnihii maamullada degmooyinka Gobolka Bay iyadoo ay horay xilalkoodii isaga casileen xubnihii maamullada Degmooyinka Ufurow, Qansaxdheere iyo Buurhakaba ayaa waxaa kulan ay xalay ku yeesheen degmada Diinsoor xubnihii maamulka ee halkaasi ka arriminayay waxay isku raaceen inay xilalkooda ay iska casilaan.
Guddoomiyihii maamulka degmada Diinsoor C/xakin Sheekh Xuseen ayaa sheegay inay awoodi waayeen inay sii wadaan hawlihii shaqo ee degmadaasi loogu dhiibay, sidaas darteedna ay go’aansadeen inay xilkaasi u banneeyaan cid kasta oo awood u leh inay wax qabato.
Xubnahan isaga tagay maamulka ayaa is casilaaddooda waxay ku micneeyeen caqabado ay kala kulmeen kooxahaka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo dawladda federalka Soomaaliya.
Dhanka kale qaar ka mid ah xubnihii maamulka Degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegay inay iyagana xilalkooda iska casileen, wuxuuna guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka Degmada Bardaale ayaa isna xaqiijiyay inuu xilkiisa iska casilay.
Is casilaadda xubnaha maamullada degmooyinka Bardaale iyo Diinsoor ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli maamul uu ka jiro oo kaliya magaalada Baydhabo inkastoo aan la ogeyn sida maamulka gobolka Bay u xallin doono arrimahaasi.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
21 |