Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Qaramada Midoobay oo Sheegtay Inay Wadamo Ka Tirsan Caalamku Si Sharci Daro ah uga kaluumaystaan Baddaha Somaliya

Ambaqaad-Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in kalluumaysi sharci darro ah iyo haraadiga wasaqda ee walxaha kiimikada ka sameysan ay xeebaha Soomaaliya si xad dhaaf ah ugu socdaan.

Ergayga waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya aysan ka jirin dawlad awood leh oo arrimahaasi ka hor tagi karta, waxaana jira kalluumaysi sharci darro ah oo Dalalka ku yaalla Qaaradaha Yurub iyo Asia ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in dhowr hay’adood oo aan dawli ahayn oo ay ka mid tahay hay’adda Global Witness ay sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqeyso sidii arrintaasi looga hortagi lahaa.

Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya wuxuu sheegay in arrimaha ka jira daka Soomaaliya ay yihiin kuwo aad u liita marka loo fiiriyo xagga kalluumaysiga sharci darrada ah, wuxuuna sheegay in dagaalka sokeeye ee aan dhamaadkal ahayn ee dalka Soomaaliya uu keenay in dalalka caalamka ay u tartamaan inay si sharci darro ah uga kalluumaystaan xeebaha dalka Soomaaliya kaddib markii heshiisyo iyo qandaraasyo gaar-gaar ah ay la galeen hogaamiye kooxeedyadii dalka Soomaaliya.

Ergayga wuxuu sheegay in xeebaha ku yaalla geeska Afrika gaar ahaan midda Soomaaliya inay ku jiraan maraakiib badan oo ka ganacsada kalluunka oo xeebaha dalka Soomaaliya ka jalaabta, wuxuuna intaasi ku daray in maraakiibta shisheeye ay isticmaalaan shabaagyada mamnuuca ka ah kalluumaysiga caalamka kaasoo xaalufinaya dhamaan kalluunka ku jira badda yaryar iyo waaweyn intaba.

Ergayga wuxuu sheegay in ay jiraan caddaymo la xiriira in dalalka ka tirsan qaaradda Yurub iyo Asia ay xeebaha Soomaaliya u fogeeyaan wasaqda haraadiga walxaha kiimikada iyo nuclearka laga sameeyo, wuxuuna intaasi ku daray in arrimahaasi ay yihiin kuwo qatar gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

22