Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Dadka Reer Balad Weyn oo Cabsi Ka Muujinaya Dagaalo Ka Qarxa Degaamadaasi

Ambaqaad-Walaac ayaa la soo gudboonaatay dadka ku nool magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan, taasoo aay ka cabsi qabaan in dagaal mar kale uu halkaasi ku dhex maro garabyada iska soo horjeeda ee ciidamada Ethiopia iyo xoogaga waxa iska caabinta ee kula dagaalamaya Gobolkaasi,

Cabsida dadka ay muujinayaan ayaa sii labo jibaartantan tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo xoogaga ka dagaalama gudaha Somalia ay shaaca ka qaadeen in ay sii kordhin doonaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Itoobiya.

Waxaana arinkani uu saameyn wayn ku yeeshay dhamaan degaamada kala duwan ee ay ka koobantahay magaalada Balad weyn oo hada ah ah kuwo haawanaya ka dib markii ay dadku degaanku ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka soconaya gudaha magaalaasi.

Sarakiisha maamulka Balad weyn ayaa ilaa iyo hada iyagu wax war ah kasoo saarin xaalada ka taagan Magaalada baledweyne.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

24