Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Kooxo Burcad ah oo Xalay Dhac u Geystay Gaari Rakaab Ah oo MarayayMeel Ku Aadan Duleedka Magaalada Jowhar

Ambaqaad-Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa waxay xalay fiidkii jidka u galeen gaari rakaab ah oo noociisu ahaa Minibus kana tagay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, wuxuuna gaarigaasi marayay meel u dhow garoonka magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Kooxahaasi burcadda ah ayaa markii ay baabuurka istaajiyeen kaddib waddada ka leexiyay isla markaana geeyay meel cidlo ah oo ka fog waddada laamiga ah, waxayna ka qaateen rakaabkii saarnaa dhammaan lacagihii, mobiladii iyo agabkii kale ee ay wateen, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah rakaabkii saarnaa gaarigaasi oo saxaafadda la hadlay.

“Dhammaan way naga qaateen wixii aan wadanay, mana jirto wax sahay ah oo aan ku sii jid marno” ayuu yiri mid ka mid ah rakaabka oo sheegay in taleefoonka Mobile-ka ee uu isagu isticmaalayay kaligii uu ka badbaaday, wuxuuna intaasi ku daray in kooxahaasi markii ay baarashada u geysteen kaddib ay fasaxeen.

Waxaa maalmihii ugu dambeysay isa soo tarayay dhibaatooyin ay geysanayeen kooxo burcad soo booddo ah oo aan jidgooyo u oollin waddada balse marka ay kor ka arkaan gaariga waddada soo istaaga, iyadoo dhinaca kalena xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya magaalada Jowhar ay ku hawlan yihiin hawl gallo ay ku baacsanayaan burcadda jidgooyooyinka dhigta.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

29