Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Munaasibad Balaaran Laguna Xusidoono All Israa Wal Micraaj oo Ka Dhici Doonta Dunida oo Dhan

Ambaqaad-ISRUHU: waa dheelmintii Nabiga (scw.) la dheelmiyay ee inta lagu qaaday "Buraaq" la geeyay Bayt-al-Maqdis, waxanna la dheelmiyay Makka.

MICRAAJKU: waa korsiintii la korsiiyay Nabiga SCW, samooyinka hore tan iyo heer aanay gaarin garashada iyo cilmiga khalaa’iqda kalee Ilaahay u abuuray (malaa’ig, insi & jin midna).

BURAAQ: waa daabbad "Dameerkana ka weyn Baqashana ka yar" oo raadka dhigaysa halka isheedu gaaro oo uu Malaku Jibriil ku qaaday Nabiga (scw) ilaa u Al-Masjid Al-Aqsaa geeyay uu halkaa ku tujiyay Anbiyadii oo dhan.

Inkastoo ay Culumadu isku khilaafeen taariikhda dheelmintu, haddana Ibdu Sacad Kitaabkiisu "Dabaqaat-ul-kubraa", wuxuu ku sheegay in ay ahayd 18 bilood ka hor Hijradii. Bishii Rajab 27-keedii in ay ahayd ayaa loo badan yahay. Jamhuurka Culamadu waxay isku racsan yihiin in Nabiga (scw) "Ruuxiisa & Jirkiisaba" la dheelmiyay, kadibna Micraajkii Ilaahay ugu deeqay isla habeenkaa barakaysan.

Dhacdada siday u dhantahay Imaam Bukhaari & Imaam Muslim labadooda saxiix ayay si tifaf tiran ugu xusayaan. Wakhtiga ay dhacdadu dhacaysay waa kadib markii Nabiga (scw) HaweenaydiisiiKhadiijat-ul-Kubraa & adeerkiisi Abu Daalib ay geeriyoodeen, markii uu Daa’if tegayna, isagoo weheliyo Zayd Ibnu Xaarithah, sufahadu thaqiif ay soo dhagaxeeyeen ilaa dhiigii ka da’ay kabihiisii qariyay oo uu ku soo noqday Makka. Ilaahay si qalbiga Nabiga (scw) qaboojiyo, dhibtii u soo marayna ludfi uu ugu beddelo ayuu marti qaadkaa rabbaniga ah ugu deeqay.

Haddaba, waxay Muslimiin badani caadaysteen in ay habeenka 27Rajab xusaan oo ay farxad iyo reyn reyn muujiyaan oo ay is wacdiyaan, siiradii Nabigeena ay wax ka akhriyaan. Sidaas oo kale, Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Göteborg, waxaa caado u noqotay in ay habeenkaa xusaan oo qisada "Israa’ga & Micraajka" ay akhriyaan isna wacdiyaan farxad iyo reyn reynna ay muujiyaan iyaga oo uu hoggaaminayo Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiydiin Celi oo ah sheekha Jameecadda ASW & dariiqooyinka Magaalada Göteborg.

Sannadkan sidii sannadihii hore ayaa habeenkaa barakaysan ee 27 Rajab ee ku aadan 30 Juli 2008 loogu dabbaldegayaa. Ka soo qayb gal nafaxaadka iyo naxriista.

Goobta lagu qaban doono Xafladda "Israa’ga & Micraajka", dib ayaa laga soo sheegi doono hadduu Eebbe raalli ka noqdo.

Waa Billaahi Towfiiq.

Qaadinka ASW Göteborg

Dr. Shariif Sheekhuna.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

34