Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Ciidamadii Lagu soo Tababaray Itoobiya oo fariisin Ka Samaystay Xeradii Asluubta

Ambaqaad-Abaarihii 12:00-kii duhurnimo ee maanta ayaa ciidamadii Itoobiya ee gelbinayey kuwii DF ee lagu soo tababaray dalkooda ayaa waxay soo gaareen fariisina ku dhigteen Ex-xaruntii talidska ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo ku taala cirifka koonfureed ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca degmada Afgooye, ka dib markii ay saaka ka soo ambaxaeen degmada afgooye ee gobolka Sh/hoose subaxnimadii shalay ay soo gaareen.

Imaanshaha ciidamadaan ee xerada asluubta ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa socdaal dheer oo ciidamadan ay ka soo bilaabeen todobaad ka hor deegaanka Doolow ee xadka Somalia iyo Itoobiya, kaasoo soo taxnaa min Baydhabo illaa Muqdisho, waxaana ciidamadu intii safarkooda ku soo jireen weeraro kala duwan ku soo qaaday kooxo ka tirsan kuwo ka soo horjeeda oo wadada u galayey, waxaana goobaha lagu weeraray ka mid ah duleedka degmada Berdaale ee gobolka Bay iyo deegaanka Yaaqbari weyne.
 
Ciidamada ayaa intii ay ku soo jireen saaka wadada isku xirta magaaladan Muqdisho iyo degnada Afgooye gaar ahaan halka loo yaqaano Sinka dheer lagula beegsaday qarax ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan kuwa DF, iyadoo rasaas ay qaraxa ka dib fureen ay ku dhaawacmeen illaa saddex ruux, waxaana ciidamadan ay haatan ku wada xeroodeen xeradii asluubta, lamana oga illaa hadda talaabada xigta ee ciidamadan ay qaadi doonaan, ayadoo ay caadi ku soo laabtay dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee wadada dhinaca koonfureed uga baxda magaalada Muqdisho.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

7