Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Ka Ganacsiga kaluunka oo Kusoo badanaya Suuqyada Waaweyn Sidee bayse Uga Faa,iideystaan Somalidu"

Ambaqaad-Ka ganacsiga Kalluunka ayaa aad ugu soo badanada suuqyada waa wayn ee Dalka Somaliya iyada oo ay muhiim tahay Cunida kalluunku oo ay ku jirto Nafaqo Badan,ayaa hadana waxa laga dareemaa Dalka Somaliya qaabka looga faaiidaysanyo Kaluunka, Magaalooyinka ugu badan ee inta badan laga soo daad gureeyo Kalluunka ayaa ah Magaalada Tariikhiga ah ee Laasqoray.

 

Somalia ayaa leh xeebta ugu dheer Afrika oo dhirirkeedu gaarayo 3,025km, kheyraadka bada sida kaluunka ayaa ganacsigiisa iyo cunidiisa aad u kordhay sannadahan danbe, dhamaan dadka ayaa moodaa inay aad u fahmeen siidii Dalka looga la soo bixilahaa Khayraadka ku jira.

Waxaa aad u kordhay qiimaha cuntada aduunka oo dhan gaar ahaan waddanka Somalia, Kaluunka waxa uu ka mid yahay cuntada ugu raqiisan nafaqadiisana ay aad u badan tahay.

Magaalada Laasqoray ayaa waxa ka dhisan Ilaa Lama warshadood oo soo saara Kalluunka kuwaasi oo mid ka mid ah ay tahay mid aad u balaadhan oo ay ka shaqeeyaan Ilaa 350-Ruux oo isugu jira Haween iyo Rag,iyada oo ay warshadaasi Kalluunkeeda loo iib geeyo Dalalka Dibada.

Waxa jirta warshad kale oo aad iyana u baalaadhan taasi oo iyana Kalluunka u farsamaysa qaab kale oo taasi ka duwan,warshadaasi waxay kalluunka uga Farsamaysaa Qaabka loo yaqaan Qalinjinta iyada oo dabadeedna u iib gaysa Dalka Dibadiisa waxan la sheegay inay ka shaqeeyaan Boqoolaal shaqaale ah,warshadaasi ayaa la xusi karaa inay leedahay Qalab u gaar ah oo ay kaga soo jilaabato Xeebta.

Waxa jira qaab kale oo Kalluumaysatada Degmada Laasqoray ay uga Ganacsadaasn kalluunka kuwaasi oo markay soo jilaabaan kalluunka Qalijiya iyaga oo ku habeeya qalab loogu talagay waxana loogu Magcaabaa Noocaasi kalluunka ah( Xaniid)

Badanaa Indhahaagu waxay qabanayaa Doonyo yar yar iyo Saxiimadu kuwaasi oo aroorta hore Dhex mushaaxaya Badwaynta Laasqoray,iyaga oo shabaagta dhiganaya badhtamaha Xeebta si ay u jilaabtaan Kaluunka.

Dadka ku xeel dheer arimaha Kalluunka ayaa noo sheegay in wakhtigan haatan la joogo uu kalluunku soo caaryo isla markaana aad looga Faa iidaysto.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

8