|
|
Dagaalo Culus La Isuna Adegsaday Hubka Noocyadiisa Kala duwan oo Ka Dhacay Gudaha Caasimada Muqdisho |
Ambaqaad-Dagaalo aad u culus oo laisu adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka soconaya qaybo ka tirsan gudaha Magaaada Muqdisho,ayadoo dagaladaasina ay u dhaxeyaan Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Kasoo Horjeeda.
Weeraradan ayaa waxay ka dhaceen degaanka wadada warshadaha ilaa xarunta asluubta, waxaana si xoogan loo maqlayaa madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan ee ay isu adeegsnayaan dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo.
Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaaladan caawa ka soconaya qaybaha kala duwan ee Caasimada Muqdisho, dagaaladan ayaa yimid kadib markii ay maanta duhurnimadii ay fariisimo ka samayteen Xerada Asluubta ciidamadii lugaynayey ee lagu soo tababaray dalka itoobiya oo maanta Muqdisho soo gaaray.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
9 |